Aniga
oo aan maalimahan dhowaydba aan akhrinin buuga ku qoran Af-soomaali ayaan
maalin dhowayd aan aaday maktabadda. Nasiib wanaag waxaan ka helay buugaag Soomaali
ah, waxaana ka soo amaahsiday ilaa dhowr buug. Hadaba mid ka mid ah buugaagtii
aan ka sooo qaatay maktabadda ayaa ii soo jiitay si heer sare leh, maaddama
buuga laga qoray sheeko cajiib ah oo jaceyl ah gaar ahaan dhalinta maanta, isla
markaasna waxaa iila muuqatay, sheeko laga cibro qaadan karo, sidoo kelina
noqon karto cashar ay wax ka bartaan dhalinta weli aan qabsin sheekadaas oo
kale. Hadaba sheekada dhamaanteeda kuma qori karo halkaan laakiin micnaha guud
iyo u jeedadeeda ayaan soo koobi doonaa.
Sheekada
waxa aan dhahnay wax ay ku saabsan tahay dhalinta manta jirta iyo sida jaceylka
aan loo meel dayin ay u dhex maquuranayaan. Sheekadan ayaa ku saabsan ama ka
hadlaysa wiil iyo gabar isjeclaa, oo jaceyl kooda aad ahaa, wadankii hooyona ku
noolaa, dabadeedna wiilkii ayaa u suurta galeysa in uu yimaado qurbaha gaar
qaarida yurub. Nasiib wanaag wiilkii waxa u helayaa sharciga wadankii uu marti
gelinta weydiistay. Waxa uuna gabadhii ay is jeclaayeen uu ku sheegtay in ay
tahay xaaskiisa oo loo soo qaado, hayeeshee xaaskiisa ma ahayn oo kaliya waa ay
isjeclaayeen. Dawladii ayaa ka aqbashay in loo so qaadi doono xaaskiisa, oo
waxa uu u xareeyay warqada soo qaadista ama soomaalida ay u taqaano leen. Gabadhi
iyo wiilkii waa isjeclaayeen laakiinse gabadha waxa ay wiilka la shukaansan jirtay
wiilal kale iyada oo iska dhaadhicinaysa in ay waqtiga ku lumanayso. Gabadhii waxa
ay ku noolayd markeedii hore xamar ama muqdisho, wiilkii ayaa ka codsiday in ay
tagto Neriobi maadama halkaas looga xareeyay visaha lagu imaanayo wadanka oo
wiilka ku noolaa.
Gabadhii waxa ay tagtay Neriobi, waxa ayna
halkaas ay ku baratay asxaab cusub. Asxaabta ay baratay waxa ay ahaayeen kuwo
nolasha ka dhacay oo bartay doogada iyo wax weliba oo maan dooriya ah. Gabadhiina
waxaa la baray daroogada iyo qeybaha kala duwan ee maan dooriyaha oo waa ay la
qabsatay. Nasiib daro wiilkii ay isjeclaayeen waxba kama oga waxa ay ku sugan
tahay gacalisidiisa, oo kaliya teleefonka ayaa la iska yiraahdaa xabiibi iyo
xabiibti. Gabadhii waxa ay halkaas ku yeelatay asxaab iskuga jirta wiilal iyo
gabdho. Waxaana xusid mudan in ay Meesha isku barteen wiil ka soo laabtay gurbaha
oo ka mid ah kuwo daroogada u saaxiibka ah. Gabadhii waxa ay haasaawid iyo
jaceyl ay la bilowday wiilkii halkaas ay
isku barteen ee qurbaha ka yid. Halka keedii hore oo Meesha keenay ee dacwada u
furayna ay weli habeenkii telefonka uga sheekaynayso. War iyo dhamaantiis
gabadhii waxa ay si hoos ahi isku nikaaxsideen midkii Meesha ay isku barteen,
waxaa sidoo kale xusid mudan in wiilka u dacwoonaya aanan weli mehersinin waayo
waxa ay ka dhaa dhicisay in ay is nikaaxsan doonaan marka uu keeno halka asiga
joogo.
Waa
uu ka aqbalay maadama uu kalsooni badan uu ku qabay. Laakiin waxa ay guursatay
midkii halka daroogada ay isku barteen, sidoo kale waxa ay kula balantay in ay kaliya wiilkan
yurub ku imaan doonto ee midkan halkan ku guursatay ay u sii gudbi doonto oo
aan ku negaan doonin halka uu ku sugan yahay wiilkii ay horey isku jeclaayeen. Maalmo
kadib wiilkii sida dhabta u jeclaa ayaa gabadhii u soo saaray visaha, nasiib
wanaag waa ay tagtay wadankii uu ku sugayay jaceylkeeda. Laakiinse waxa ay ku
tiri nabaday oo aniga waxa aan ahay xaas oo waxa aan u sii gudbayaa, ninkayga
oo degan wadanka nagu dhegan ee nabad geliyo. Wiilkii ayaa ku dhacay goobtii oo
waxaa loo la cariray cisbitaal, mudo ayuu la xanuunsanayey dhibaatadii soo
gaartay laakiin nasiib wanaag waa uu ka soo kabtay.
Gabadhii
waxa ay u gudubtay halkii uu ku noolaa ninkii sida hoose Neriobi ay iskaga soo
nikaaxsideen. Mudo marka ay isla noolaayeen waxa uu u sheegay in ay isdhiibto
oo magan geliyo wadanka ay waydiisato, kadib gabadhii waxa ay samaysay siidii
ninkii kula taliyay. Nasiib daro waxaa la siiyay diidmo oo waxaa lagu yiri
wadanka nooga bax. Ninkii ayaana sidoo kale u sheegay in aanan iyada xamili Karin
oo wax uu u sheegay in ay magaalada gasho oo goobtaas ayuu ku furay. Ninkaas waxa
uu ahaa ruux daroogada ka ganacsida. Uga dambeyntii gabadhii waxaa ka tira batay
dhabaatooyinka iyo istareeska sidaa darteeda waxa ay bilowday in ay isla
hadasho oo waxaa sidaana looga qoray in ay tahay qof waalan oo waxaa la duray
cirbado oo la duro dadka isku buuqa.
Gabo
gabo ka fiirso inta aadan falin.
W/D: Mohamud Mohamed Ibraahim.