Waad Kuftaye Ka Bood waa buug ku saabsan xaalladaha
dalka Soomaaliya ka jirtay shalay, tan maanta iyo sida ay u muuqato
mustaqalka Soomaaliya. Buuggan waxaa qoray qoraa Axmed Xirsi Cali.
Qoraaga buuga waxa uu diirada ku saarayaa taariikhda faca weyn ee
Soomaalida ay lahaan jirtay ka hor inta uusan gumeystayaashii soo galin
qaarida Afrka.
Sidoo kale waxa uu buuga ka hadlayaa noloshada soomaalidii hore,
wixii ka horeeyay qarnigii 19-aad. Qarniyadaas oo aan jirin maamul
dowladeed oo soomaalida ay laheyd hadana waxaa dalka maamuli jiray
Salaadiin, Guurtii, Isimmo, kuwaas oo ahaa maamulka beelaha. Beel kasta
waxa ay lahayd suldaan iyo waxgarad maamula. Suldaan kastana waxa uu u
madax banaanaa maamulkiisa. Waxaa talada maamulka gacanta ku haayay
waxgaradka iyo odayaasha. Waxa ay beeshu lahayd xeerar iyo dhaqamo ay ku
xaliso gafafka iyo dhibaatooyinka bulshida ka dhexdhaca. Culumma’u
diinku waxa ay kala saari jireen beelaha marka ay dhacdo dhibaatoyin
iyaga oo adeegsanaya axkaamta iyo quraanka.
Xilligaa wadanka kama jirin barnaamijy dhaqaale, arrimo bulsho iyo
siyaasaded oo lagu horumariyo wadanka. Maamuladii salaadiinta waxa ay ka
koobnaayeen nabadgelyada guud ee beelaha.
Dadka badankoodana waxa ay ahaayeen xoolo dhaqato, kuwaas oo ku
tiirsanaa waxyaabaha ay ka heelaan xoolaha. Waxaa kalo jiray beeraley
iyo kaluumaysato aan badneyn. Nolasha dadka waxa ay ahayd mid xasiloon
sababta oo ah waxa ay heli jireen nolol maalmeedkooda. Cimilada
wadankana waxa ay ahayd mid wanaagsan, waxaana inta badan u da’i jiray
roobabka xilli roobyada.
Soomaalida waxa ay ahayd xoolo dhaqato ku nool mayiga, dadka ku nool
magaalooyinka iyo tulooyinkana aadbay u yaraayeen. Waxaana la sheegaa in
dadkii Soomaalida ee noolaa wixii ka horeeyay qarnigii 19-aad ay xiriir
wanaagsan ay la lahaayeen Gariiga iyo Faraacinnadii iyaga oo u dhoofin
jiray beeyada oo Soomaalida caanka ku ahayd. Laakiin xiriirkaas waxaa la
sheegaa in uu ku yimid hoos u dhac kadib xadaaradii Soomaalida oo hoos u
dhac ku yimid.
Sidoo Kale Buuga waxa Uu Ka Hadlayaa Soo Galitaankii Gumeystayaashii Reer Yurub ee Qaarida Afrika.
Hadaba wixii xilligaa ka dambeeyay wadanka waxaa soo galay
gumeystiyaashii reer yurub. Gumeystiyaasha marka hore waxa ay qaarada
Afrika ku soo galeen qaab sahmin ganacsi iyo diimeed. Marka uu Soomaliya
soo galay gumeystihii, dadka waxa ay galeen dagaal kharaar, kaas oo
socday mudo 35 sano ah. Dagaalkaas marka uu dhamaaday waxaa ku xigay
dagaal yar oo gobonimo doon ahaa. Uga dambayn soomaalida waxa ay ku
goolaystay in xorriyadii wadanka ay dib u soo celiyaan.
Gumeystayaasha waxa ay abuureen dhibaatooyin fara badan.
Qoraa sidoo kale wax uu ku qiixayaa dhibaatooyinkii ka dhashay
gumeystihii ama uu reebay oo ay ka mid tahay qabiilka oo Talyaaniga iyo
Ingiriiska ayaa ka mid ahaa waxyaabaha Soomaalida qabiilka ku beeray.
Taas oo aan ahayn dhaqan kii hore ee Soomaalida, waayo Soomaalidii hore
qabiilka iskuma dhibaatayn jirin.
Asiga oo intaasi sii raaciyay in dowladahii wadanka soo maray aan
qabiilka ka baabi’nin bulshada laakiin kaliya si dadban ay uga dhaqmi
jireen haba uga badnaatee tii kacaankii.
Sidoo kale buugga waxa u uka hadlayaa dhaqan lumida ay soomaalida
maanta ay ku sugan tahay iyo waxa ay u muuqato mustaqbalka hadii aysan
iska gaarin.
Wixii la soo maray marka laga soo tago, maanta Soomaalida waxa ay u
baahantahay in ay garabka isqabsato si looga gudbo marxaladda dhibta
badan.
Uga dambayn Aniga oo ah Akhriste buuggaan, halkaan kuma soo koobi
karo dhamaan wixii buugga ka hadlayay, laakiin, waxaan qof weliba oo
jacel akhrinta buuggaagta aan kula talin lahaa in uu akhriyo si uu wax
badan uga ogaado taariikhada iyo dhacdoyinkii soo maray wadanka
Soomaaliya.
W/D: Mohamud Mohamed Ibrahim.