Wuxuu ka koobanyahay
sheekooyin ku saabsan dhaqanka soomaaliyeed, aqoonta noocyada xoolaha la dhaqdo
ee kala duwan, iyo xayawaanka duur joogta ah iyo suugaan. Sida gabayo, heeso
iyo cuntubyo murti, maah-maahyo iyo sarbeeb isuga jira.
Waxaa kaloo ku jira
sawiro lagu muujinayo xaywaanada iyo waxyaabaha dhaqanka laga isticmaalo miyiga
soomaaliyeed.
Hadaba buuggaan dadke
ayuu anfacaya.
1: Dadka yar yar ee soo koraya una
baahan barashada afka iyo dhaqanka dalkooda hooyo .
2: dadka
da’ada dhexe ee aan ku dhalan ama aan ku soo korin dalkii hooyo, afsoomaaliga
iyo dhaqankii wadankana uu gaabsi uu ku yahay.
3: Dadka
waa-weyn ee ku raagay qurbaha una baahan xasuusta iyo dib u curinta dhaqanka
iyo suugaanta soomaaliyeed.
Buuggaani
waxa uu agab weyn u yahay ama caawiye uu u yahay qofkasta oo xiisaynaya Afka,
dhaqqanka, xoolaha, murtida iyo suugaanta soomaaliyeed yar iyo weynba.
No comments:
Post a Comment