Ma doonaysaa waxbarasho heer sare
ah, casharo jaamacadeed? Ma xiisaynaysaa waxbarashada? Macquul ma tahay in aad
qaadato waxbarasho tayo leh oo bilaash ah? Hadii jawaabtda ay tahay haa, hadaba
qodubkaan waa mid adiga ku anfacaya.
Internet-ka ayaa noqday il ay
bulshada waxyaabo badan ay iskuga gudbiso, dhaqdhaaqyo badan iyo su,aalo aad
jawaabahooda aad waysayna aad ka helayso. Sidoo kale waxaad ka heli kartaa
xalil badan had iyo jeerna waxyaabo faa’ido kuu leh ayaad ka akhrisan kartaa,
laakiin nasiib daro website-yo badan ayaa hadana dhankale waxaa dhici karta in
waxyeelo badan ay ku geystaan waa hadii aad u isticmaasho si qaldan, hadaba
waqtigaada internet-ka si wanaagsan u isticmaal oo waxyaabaha wanaaga ah uga
faa’ideyso.
Qarnigaan 21-kowaad ee dunidan hada
aan joogno, si aad ayay dadka uga bateen adeegsiga aalida internet-ka, waxaad
maalin waliba qof weliba oo naga mid ah uu booqdaa website-yo, blog-yo si uu u
helo akhbaarad dheerad ah. Arday badan ayaa doorata in ay waxbarashadooda ku
qaataan dhanka online-ka taasi oo qofka u saamaxaysa in uu waxbarto asiga oo
gurigiisa jooga. Hadaba waxbarashada internet-ka ah oo ay bulshadeena ay
aadka uga yartahay ayaa iskuga jirta mid lacag ah iyo mid bilaash ah ama lacag
la’aan. Si ay uga faa’idaystaan dhalinyaro badan oo soomaaliyeed oo ku kala
nool dunida inteeda kala duwan, waxaan halkaan hoose ee qodubkaan ku soo
bandhigi doonaa 10-website ee aad ka heli karto waxbarasho heerar kala duwan
leh. Webstie-yadan ma lahan waxbarasho hal heer laakiin waa kuwo aad heli karto
waxbarasho maadooyin kale duwan iyo cilmiga qeybahiis kala duwan hadii ay ahaan
lahayd tan luuqadaha, maadooyinka cilmiga, caafimaadka, xisaabaadka iyo tan
tiknoolajiyada cusub iyo Computer-ka. Waxaa kaloo mudan in aan xuso in webstite-yada
bixiya koorsooyinkan in qaarkood ay bixiyaan shahaadooyin, laakiin shahaadada
ay lacag tahay marka aad qaadinayso. Sidoo kale waxaa si wayn website-yadan ay
u anfacayaan dadka ardayda ah ee dhigta jaamacadaha iyo iskuulada laakiin
doonaya aqoon korarsi dheeraad ah. Waxaa xusid mudan in ay jiraan website-yo
badan oo aad ka helayso waxbarasho bilaash hayeshee 10-kan waa kuwo aan
isleeyahay waa kuwa uga haboon.
Hadaba waa kuwan 10-ka
website ee aad helaysid waxbarashada lacag la,aanta ah.
1: Khan Academy: waa website leh tayo aad
u fiican leh muuqaalo iyo maqal dhanka waxbarashada ah gaar ahaan maadooyinka
xisaabaadka, sayniska iyo injineerinka.
2: ALISON: waa website-leh
waxbarasho, koorsooyinka luuqadaha iyo cilmiga intiisa kale sidoo kale waxa ay
bixiyaan shaahadada diplom-da waa hadii aad dhamaysato koorsada aadna ku baasto
imtixaanka uga dambeeya. Waxaa intaas dheer in uu leeyahay ama ay
isticmaasho arday kor u dhaafaysa 7-million oo qof.
3: TED-ED: waxaad ka helaysaa
casharo nolasha dadka guulaystay, waayo aragnimo iyo fikrado ay soo
jeediyanayaa maclimiin, ganacasato, iyo muwduucyo kala duwan oo fara badan.
4: Islamic Online
University: waa jaamacad islaami ah oo leh waxabaro diini iyo maadi 2-da aad ka
helayso, sidoo kale jaamacada waxay ay leedahay qayb lacag ah laakiin waxaad ka
heli kartaa kuwo bilaash ah.
5: OEDB: waa website leh
waxbarasho furan oo mar weliba aad bilaabi karto xilligii aad joogtana halkaada
ka wadan karto.
6: edX: waa macahad leh
waxbarasho iyo koorsooyinka laga dhigo jaamacadaha gaar ahaan kuwa
tiknoolajiyada.
7: Udemy: waa website
leh koorsooyinka qaybaha kala duwan ee aqoonta.
8: Math and Science: waa website dhanka
xisaabta iyo maadooyinka cilmiga kale.
9: Codeacademy: waa website dadka
bara sida loo sameeyo website iyo bloog-yada iyo hagaajinta website-yada.
10:
Coursera: waa
website leh dhamaan koorsooyinka qaybaha kala duwan ee cilmiga, xitaa waxaad ka
heli kartaa casharo jaamacadeed.
W/Q: Mohamud Mohamed Ibrahim Iidow