Sida aan la wada socno,
waxbarashada ayaa ah mid u baahan qarash badan gaar ahaan wadankeenii inta
badan maadama aan jirin dowladd dabooli karta baahida dadka. Waxaana laga yabaa
dad badan oo maanta waxbaran lahaa in lacag la,aan darteed ay uga hareen
waxbarashadii ay ku taami jireen. Maalmahan dambe waxaa soo kordhay aalada
internet-ka iyo baraha bulshada oo dadka ka dhigtay meel ay ku kulmaan ay isku
wadaarsadaan waxyaabaha ay tabayaan. Hadaba waxaa jira dad badan oo dhanka
internet-ka dadka wax kabara iyaga oo jooga meelo kale. Lkn ay tahay in aad
adiga aad la socto waxbarashada iyo casharada baxaya. Aniga oo horay u qoray
warbixino la xariira waxbarashada iyo qaabka uga fudad ee qofka u heli karo
waxbarsho bilaash ah asiga oo isticmaalaya internet-ka ayaan hadana ku eegayaa
qodubkaan sida lagu helo fursado deeqo waxbarasho. marka hore waxaa qof weliba wacan
in uu ogaado in nolasha ay tahay dadaal, halgan, iyo dhib ayna haboontahay in
aad la timaado dadaal weyn si aad uga guulaysto hadafkaada. Hadaba qodubadaan
ma ahan kuwo had iyo jeer ku siin kara waxbarasho bilaash ah lkn waxaan
isleeyahay kuwo ku caawin kara.
1: ku dadaal iskuulka ama
jaamacada aad dhigato.
Tani waxa ay kaa
caawinaysaa in aad fursad u hesho waxbarasho bilaash ah, waaa hadii aad tahay
qof waxbarashada ka adag iyo akhlaaq ahaan wanaagsan. Haddii aad tahay qof ka
muuqada meesha uu joogo sidoo kale wax ay kuu sahlaysaa in aad hesho, shaqo,
waayo waxbarasho shaqo la,aan ah waa geed miro la,aan ah.
2: Iska diiwaan geli
jaamacadaha bixiya minxida ama waxbarashada lacag la,aanta ah.
3: waxaa jira webstite-yo
koorsooyin bixiya marka waa in aad baartaan. Horay ayaan qoraal uga qoray
website-yadaas. Kaliya ma ahan waxbarashada jaamcad marka waa muhiim in aad
koorsooyinka aad qaadataa.
W/D: Mohamud Mohamed Ibrahim Iidow
No comments:
Post a Comment