Sunday, May 6, 2018

Qiso caajiib ah oo ku saabsan xaaladaha jaceyl ee aan loo meel dayin ee ay dhex maquuranayaan dhalinteena maanta iyo Nolasha ay ku sugan yihiin Soomaalida maanta ee qurba joogga ah.






Aniga oo aan maalimahan dhowaydba aan akhrinin buuga ku qoran Af-soomaali ayaan maalin dhowayd aan aaday maktabadda. Nasiib wanaag waxaan ka helay buugaag Soomaali ah, waxaana ka soo amaahsiday ilaa dhowr buug. Hadaba mid ka mid ah buugaagtii aan ka sooo qaatay maktabadda ayaa ii soo jiitay si heer sare leh, maaddama buuga laga qoray sheeko cajiib ah oo jaceyl ah gaar ahaan dhalinta maanta, isla markaasna waxaa iila muuqatay, sheeko laga cibro qaadan karo, sidoo kelina noqon karto cashar ay wax ka bartaan dhalinta weli aan qabsin sheekadaas oo kale. Hadaba sheekada dhamaanteeda kuma qori karo halkaan laakiin micnaha guud iyo u jeedadeeda ayaan soo koobi doonaa.

Sheekada waxa aan dhahnay wax ay ku saabsan tahay dhalinta manta jirta iyo sida jaceylka aan loo meel dayin ay u dhex maquuranayaan. Sheekadan ayaa ku saabsan ama ka hadlaysa wiil iyo gabar isjeclaa, oo jaceyl kooda aad ahaa, wadankii hooyona ku noolaa, dabadeedna wiilkii ayaa u suurta galeysa in uu yimaado qurbaha gaar qaarida yurub. Nasiib wanaag wiilkii waxa u helayaa sharciga wadankii uu marti gelinta weydiistay. Waxa uuna gabadhii ay is jeclaayeen uu ku sheegtay in ay tahay xaaskiisa oo loo soo qaado, hayeeshee xaaskiisa ma ahayn oo kaliya waa ay isjeclaayeen. Dawladii ayaa ka aqbashay in loo so qaadi doono xaaskiisa, oo waxa uu u xareeyay warqada soo qaadista ama soomaalida ay u taqaano leen. Gabadhi iyo wiilkii waa isjeclaayeen laakiinse gabadha waxa ay wiilka la shukaansan jirtay wiilal kale iyada oo iska dhaadhicinaysa in ay waqtiga ku lumanayso. Gabadhii waxa ay ku noolayd markeedii hore xamar ama muqdisho, wiilkii ayaa ka codsiday in ay tagto Neriobi maadama halkaas looga xareeyay visaha lagu imaanayo wadanka oo wiilka ku noolaa.

 Gabadhii waxa ay tagtay Neriobi, waxa ayna halkaas ay ku baratay asxaab cusub. Asxaabta ay baratay waxa ay ahaayeen kuwo nolasha ka dhacay oo bartay doogada iyo wax weliba oo maan dooriya ah. Gabadhiina waxaa la baray daroogada iyo qeybaha kala duwan ee maan dooriyaha oo waa ay la qabsatay. Nasiib daro wiilkii ay isjeclaayeen waxba kama oga waxa ay ku sugan tahay gacalisidiisa, oo kaliya teleefonka ayaa la iska yiraahdaa xabiibi iyo xabiibti. Gabadhii waxa ay halkaas ku yeelatay asxaab iskuga jirta wiilal iyo gabdho. Waxaana xusid mudan in ay Meesha isku barteen wiil ka soo laabtay gurbaha oo ka mid ah kuwo daroogada u saaxiibka ah. Gabadhii waxa ay haasaawid iyo jaceyl ay la bilowday wiilkii halkaas  ay isku barteen ee qurbaha ka yid. Halka keedii hore oo Meesha keenay ee dacwada u furayna ay weli habeenkii telefonka uga sheekaynayso. War iyo dhamaantiis gabadhii waxa ay si hoos ahi isku nikaaxsideen midkii Meesha ay isku barteen, waxaa sidoo kale xusid mudan in wiilka u dacwoonaya aanan weli mehersinin waayo waxa ay ka dhaa dhicisay in ay is nikaaxsan doonaan marka uu keeno halka asiga joogo.

Waa uu ka aqbalay maadama uu kalsooni badan uu ku qabay. Laakiin waxa ay guursatay midkii halka daroogada ay isku barteen, sidoo kale  waxa ay kula balantay in ay kaliya wiilkan yurub ku imaan doonto ee midkan halkan ku guursatay ay u sii gudbi doonto oo aan ku negaan doonin halka uu ku sugan yahay wiilkii ay horey isku jeclaayeen. Maalmo kadib wiilkii sida dhabta u jeclaa ayaa gabadhii u soo saaray visaha, nasiib wanaag waa ay tagtay wadankii uu ku sugayay jaceylkeeda. Laakiinse waxa ay ku tiri nabaday oo aniga waxa aan ahay xaas oo waxa aan u sii gudbayaa, ninkayga oo degan wadanka nagu dhegan ee nabad geliyo. Wiilkii ayaa ku dhacay goobtii oo waxaa loo la cariray cisbitaal, mudo ayuu la xanuunsanayey dhibaatadii soo gaartay laakiin nasiib wanaag waa uu ka soo kabtay.

Gabadhii waxa ay u gudubtay halkii uu ku noolaa ninkii sida hoose Neriobi ay iskaga soo nikaaxsideen. Mudo marka ay isla noolaayeen waxa uu u sheegay in ay isdhiibto oo magan geliyo wadanka ay waydiisato, kadib gabadhii waxa ay samaysay siidii ninkii kula taliyay. Nasiib daro waxaa la siiyay diidmo oo waxaa lagu yiri wadanka nooga bax. Ninkii ayaana sidoo kale u sheegay in aanan iyada xamili Karin oo wax uu u sheegay in ay magaalada gasho oo goobtaas ayuu ku furay. Ninkaas waxa uu ahaa ruux daroogada ka ganacsida. Uga dambeyntii gabadhii waxaa ka tira batay dhabaatooyinka iyo istareeska sidaa darteeda waxa ay bilowday in ay isla hadasho oo waxaa sidaana looga qoray in ay tahay qof waalan oo waxaa la duray cirbado oo la duro dadka isku buuqa.
Gabo gabo ka fiirso inta aadan falin.

W/D: Mohamud Mohamed Ibraahim.