Sunday, March 25, 2018

10-Website oo aad ka heli karto waxbarasho lacag la’aan ah.

Bilderesultat for education


Ma doonaysaa waxbarasho heer sare ah, casharo jaamacadeed? Ma xiisaynaysaa waxbarashada? Macquul ma tahay in aad qaadato waxbarasho tayo leh oo bilaash ah? Hadii jawaabtda ay tahay haa, hadaba qodubkaan waa mid adiga ku anfacaya.
Internet-ka ayaa noqday il ay bulshada waxyaabo badan ay iskuga gudbiso, dhaqdhaaqyo badan iyo su,aalo aad jawaabahooda aad waysayna aad ka helayso. Sidoo kale waxaad ka heli kartaa xalil badan had iyo jeerna waxyaabo faa’ido kuu leh ayaad ka akhrisan kartaa, laakiin nasiib daro website-yo badan ayaa hadana dhankale waxaa dhici karta in waxyeelo badan ay ku geystaan waa hadii aad u isticmaasho si qaldan, hadaba waqtigaada internet-ka si wanaagsan u isticmaal oo waxyaabaha wanaaga ah uga faa’ideyso.

Qarnigaan 21-kowaad ee dunidan hada aan joogno, si aad ayay dadka uga bateen adeegsiga aalida internet-ka, waxaad maalin waliba qof weliba oo naga mid ah uu booqdaa website-yo, blog-yo si uu u helo akhbaarad dheerad ah. Arday badan ayaa doorata in ay waxbarashadooda ku qaataan dhanka online-ka taasi oo qofka u saamaxaysa in uu waxbarto asiga oo gurigiisa jooga. Hadaba waxbarashada internet-ka ah oo ay bulshadeena ay aadka uga yartahay ayaa iskuga jirta mid lacag ah iyo mid bilaash ah ama lacag la’aan. Si ay uga faa’idaystaan dhalinyaro badan oo soomaaliyeed oo ku kala nool dunida inteeda kala duwan, waxaan halkaan hoose ee qodubkaan ku soo bandhigi doonaa 10-website ee aad ka heli karto waxbarasho heerar kala duwan leh. Webstie-yadan ma lahan waxbarasho hal heer laakiin waa kuwo aad heli karto waxbarasho maadooyin kale duwan iyo cilmiga qeybahiis kala duwan hadii ay ahaan lahayd tan luuqadaha, maadooyinka cilmiga, caafimaadka, xisaabaadka iyo tan tiknoolajiyada cusub iyo Computer-ka. Waxaa kaloo mudan in aan xuso in webstite-yada bixiya koorsooyinkan in qaarkood ay bixiyaan shahaadooyin, laakiin shahaadada ay lacag tahay marka aad qaadinayso. Sidoo kale waxaa si wayn website-yadan ay u anfacayaan dadka ardayda ah ee dhigta jaamacadaha iyo iskuulada laakiin doonaya aqoon korarsi dheeraad ah. Waxaa xusid mudan in ay jiraan website-yo badan oo aad ka helayso waxbarasho bilaash hayeshee 10-kan waa kuwo aan isleeyahay waa kuwa uga haboon.
Hadaba waa kuwan 10-ka website ee aad helaysid waxbarashada lacag la,aanta ah.
1: Khan Academy: waa website leh tayo aad u fiican leh muuqaalo iyo maqal dhanka waxbarashada ah gaar ahaan maadooyinka xisaabaadka, sayniska iyo injineerinka.
2: ALISON: waa website-leh waxbarasho, koorsooyinka luuqadaha iyo cilmiga intiisa kale sidoo kale waxa ay bixiyaan shaahadada diplom-da waa hadii aad dhamaysato koorsada aadna ku baasto imtixaanka uga dambeeya. Waxaa intaas dheer in uu leeyahay ama ay isticmaasho arday kor u dhaafaysa 7-million oo qof.

3: TED-ED: waxaad ka helaysaa casharo nolasha dadka guulaystay, waayo aragnimo iyo fikrado ay soo jeediyanayaa maclimiin, ganacasato, iyo muwduucyo kala duwan oo fara badan.

4: Islamic Online University: waa jaamacad islaami ah oo leh waxabaro diini iyo maadi 2-da aad ka helayso, sidoo kale jaamacada waxay ay leedahay qayb lacag ah laakiin waxaad ka heli kartaa kuwo bilaash ah.

5: OEDB: waa website leh waxbarasho furan oo mar weliba aad bilaabi karto xilligii aad joogtana halkaada ka wadan karto.

6: edX: waa macahad leh waxbarasho iyo koorsooyinka laga dhigo jaamacadaha gaar ahaan kuwa tiknoolajiyada.

7: Udemy: waa website leh koorsooyinka qaybaha kala duwan ee aqoonta.

8: Math and Science: waa website dhanka xisaabta iyo maadooyinka cilmiga kale.

9: Codeacademy: waa website dadka bara sida loo sameeyo website iyo bloog-yada iyo hagaajinta website-yada.

10: Coursera: waa website leh dhamaan koorsooyinka qaybaha kala duwan ee cilmiga, xitaa waxaad ka heli kartaa casharo jaamacadeed.

W/Q: Mohamud Mohamed Ibrahim Iidow

Friday, March 23, 2018

Sideed ku Heli Kartaa Fursad Deeqo Waxbarasho.

Image result for book

Sida aan la wada socno, waxbarashada ayaa ah mid u baahan qarash badan gaar ahaan wadankeenii inta badan maadama aan jirin dowladd dabooli karta baahida dadka. Waxaana laga yabaa dad badan oo maanta waxbaran lahaa in lacag la,aan darteed ay uga hareen waxbarashadii ay ku taami jireen. Maalmahan dambe waxaa soo kordhay aalada internet-ka iyo baraha bulshada oo dadka ka dhigtay meel ay ku kulmaan ay isku wadaarsadaan waxyaabaha ay tabayaan. Hadaba waxaa jira dad badan oo dhanka internet-ka dadka wax kabara iyaga oo jooga meelo kale. Lkn ay tahay in aad adiga aad la socto waxbarashada iyo casharada baxaya. Aniga oo horay u qoray warbixino la xariira waxbarashada iyo qaabka uga fudad ee qofka u heli karo waxbarsho bilaash ah asiga oo isticmaalaya internet-ka ayaan hadana ku eegayaa qodubkaan sida lagu helo fursado deeqo waxbarasho. marka hore waxaa qof weliba wacan in uu ogaado in nolasha ay tahay dadaal, halgan, iyo dhib ayna haboontahay in aad la timaado dadaal weyn si aad uga guulaysto hadafkaada. Hadaba qodubadaan ma ahan kuwo had iyo jeer ku siin kara waxbarasho bilaash ah lkn waxaan isleeyahay kuwo ku caawin kara.
1: ku dadaal iskuulka ama jaamacada aad dhigato.
Tani waxa ay kaa caawinaysaa in aad fursad u hesho waxbarasho bilaash ah, waaa hadii aad tahay qof waxbarashada ka adag iyo akhlaaq ahaan wanaagsan. Haddii aad tahay qof ka muuqada meesha uu joogo sidoo kale wax ay kuu sahlaysaa in aad hesho, shaqo, waayo waxbarasho shaqo la,aan ah waa geed miro la,aan ah.
2: Iska diiwaan geli jaamacadaha bixiya minxida ama waxbarashada lacag la,aanta ah.
3: waxaa jira webstite-yo koorsooyin bixiya marka waa in aad baartaan. Horay ayaan qoraal uga qoray website-yadaas. Kaliya ma ahan waxbarashada jaamcad marka waa muhiim in aad koorsooyinka aad qaadataa.

W/D: Mohamud Mohamed Ibrahim Iidow


Saturday, March 17, 2018

Sidee loo qoraa codsi shaqo.




Qaabkee loo qoraa codsi shaqo? Maxaa sax ah oo laga rabaa in uu ka koobnaado codsiga shaqada? Halkaan waxaan idinku siinayaa sirta ah in aad si fudad u qorto codsi shaqo oo hagaagsan.
1: xageed ka soo heshay ama aad ka aragtay shaqada banaan?
Marka hore qor halka aad ka soo maqashay ama aad ka aragtay in ay banaantahay shaqadan aad codsatay.
2: Maxaa kuga dhiiri galiyay in aad soo codsato shaqadan?
Waa maxay sababta aad shaqadan aad u rabto? qof ku shaqaallaysiinayo wax uu doonaya in uu ogaado waxaa kuga dhiiri galliyay ama sababta aad u soo raadisay shaqadan. Sidaas darteed waa muhiim in aad sheegto waxyaabaha aad u doorbiday in aad shaqadan qabato si wacan oo ha haagsan u qor si uu uga duwanaado codsi iska caadi ah.
3: waa maxay waayo aragnimadaadda ee la xiriirta shaqadan oo aad leedahay?
Waa maxay sifooyinka shakhsiyadeed oo aad leedahay? Qaab noocee baad u isticmaali kartaa waayo aragnimaadaada hore marka aad qabanayso shaqadan? Dhamaan sifooyinkaada kuma qoreyso laakiin in oo ka mid ah ku qor. Maxaa waayo aragnimo ah oo aad soo baratay ama aad soo aragtay sidee se uga isticmaali kartaa shaqadan. Ogow waayo arignimo weliba oo dhanka shaqada ah waa muhiim waxay doontaba ha noqotee. Uga yaraan xitaa hadii aad soo ahayd kaabe fasal ama hogaamiye kooxeed ee kubada cagta ama kabtan.
4: Ahow qof u dhiiran shaqada ama hami sare shaqada ka leh.
In aad u dhiiran tahay shaqada waxaad ku qeexi kartaa eryo, sidoo kale qor in aad dooneyso in wareysi lugaga waco. Ku qor xilliga aad shaqada bilaabi karto, ilaa inta aad shaqeyn karto, xilliga iyo qaabka lagula soo xiriiri karo? Ku qor qaabka u sahlin ee ay kula soo xiriiri karaan shirkada aad ka codsinayso shaqada.




Friday, March 16, 2018

Cunsuriyada Waaa Cudur.




 
Marka aad maqasho erayga cunsurinimo durbaba waxaa laga yaabaa in aad maskaxdaada ku soo dhacdo, midab takoorid dhanka jinsayada ah ama mid midabka ah, sida dadka madowga iyo cadaanka ah. Sababta oo ahna waxaa jirtay dhacdooyin badan oo dunidan soo maray oo u sabab ah in qofka marka uu maqlo cunsuriyada ay uga soo dhacdo kala duwanaanshaha midabka dadka, sida dadkii madowga Mareykanka oo wixii ka horeeyay 1960 si aad ah loo midab takoori jiray iyaga oo aan loo ogalayn meelaha waxbarashada iyo arimaha siyaasada , sidoo kale gumeysigii qaarada afrika gaar ahaan galbeedka afrika iyo wadanka koonfur afrika oo iyagana gumeystahii kala kulmay xadgud baahsan iyo liidataan dhanka midabka ah. Hadaba iyaga oo ay jiraan dhamaan tusaalooyinkaas oo dhacay ayaa hadana weli ay jiraan raadad baahsan oo ay reebeen oo la xariira aragtadii ahayd in dadka qaar ay ka liitaan dadka kale. Waxaan aragnaa in dadyowga madowga ah ay dhibaatooyin kala kulmaan marka ay ku dhexnoolyahiin bulsho cadaan ah. Mareykanka oo la sheego in uu yahay wadanka uga horeeya dimuqaraadiyada ayna ku noolyahiin dadyow madow ah oo aad u tira badan ayay hadana wax ay kala kulmaan dhibaatooyin fara badan oo midab kala soocid ah. LeBron James oo ah ciyaaryahanka uga caasan dhanka kubada caganta aduunka, kana ciyaara mareykanka ayaa sheegay in ay weli adigtahay adiga oo madow ah in aad ku noolaato wadanka mareykanka si weliba xitaa hadii aad caan u tahay. Hadaba ma dareemi karo kala soocida dhanka midabka ah qofka aan ku noolayn meel aan looga tira badnayn. Hadaba cunsuriyanimada ma midab takooridbaa? Aniga ahaan, Erayga cunsurinimo waxaan ku qeexi lahaa Nacayb bilaa sabab ah. Waxaa jirta siyaabo badan oo loo qeexay oo aan isku mid ahayn laakiin u wada jeeda hal dhic, tusaale isla weyni ama qof moodo in uu wax ku dheeryahay qofkaas oo u sababsanayo waxyaabo horey u dhacay ama caado xilli hore jiri jirtay. Nacayb laga yaabo dadka qaar in ay ku qaadaan sabab la,aan. Hadaba marka aan soo koobno cunsuriyada ayaa ah Nacayb, isla weyni, qof moodo in uu adiga kaa sareeyo iwm. Taasi waxa ay na tusinaysaa in kaliya ayayna ahayn cunsurinimada midab ee ay tahay wax guud oo ka dhex jira bulsha weliba oo meel ku nool. Waxaa ay u muuqataa in cunsuriyada aan dhamaanayay inta ay jirto dunidaan waayo dadka intiisa badan wax uu jacelyahay in dadka wax dheeraado ama xitaa uu sheegto asiga oo aan dheerayn. Sidoo kale cunsurinimada ayaa ah wax la isku beero hadii ay ahaan lahayd waalidka in uu ku beero caruurtiisa ama dadka dhexdooda ay isku beeraan.
Soomaalida cunsurinimada xagay kaga jiraan aduunka.
Dadkeena cunsurinimada marka ay maqlaan waxaa ku soo dhacda waxyaabo kale sida aan qoraalka hore uga soo sheegay laakiin waxaad moodaa in aan soomaali ahaan qayb ka nahay cunsurinimada dadka ay ku dhex badan tahay gaar ahaan tan nacaybka bilaa sababta ah iyo iska sareysiinta dadka kale. Maadama aan nahay umad muslim ah diinteenuna aan ogolayn waxyaabaha noocaas ah ayaa loo baahanyahay in lala dagaalimo, qof welibana ay tahay in uu ka bilaabo qoyskiisa iyo caruurtiisa taasi oo ah sida kaliya ee lagu af jeri karo ama uga yaraan lagu yareyn karo cunsuriyada.
W/Q: Mohamud Mohamed Ibrahim