Saturday, March 10, 2018

Dareenka Qofka Si Aad U Hanato Ku Dadaal Qaar ka mid ah Furayaasha Kuu Sahlaya oo ay ka Mid Yahiin Qodobadan, warbixin uu qoray wariyaha wayn ee Cabdullahi Nuur Colombo.


 

1- Ku dadaal dhoolla caddaynta yar ee aan qosolkana u muuqan, haddana la dagaalamaysa weji xirnaanta.
2- Ereyada wanaagga iyo ammaanta leh, laakiin runta ah ee aanay buun buuninta iyo beentu ku jirin oo aad adeegsato.
3- Haddiiba doodi timaaddo ama si arrin loogu kala aragti duwanaado, weligaa ha ku adkaysan in kaagu uu kii saxda ahaa yahay, kan kalana qaldan yahay, balse ku dadaal isu soo dhoweyn iyo in aad dhinacyo badan qofka wax ka tusto
4- Shay kasta oo aad ka hadlayso afkaaga inta aanad u kala furin hubi in aad xaqiiqadiisa si cilmi ah oo run iyo waaqac ah u hayso, haddii kale dib u dhigo si marka aad soo hubiso aad uga hadasho.
5- Muranka iska jir, waayo muranku shakhsiga kale waxa uu ku beeraa canaadnimo iyo in uu dagaal iyo ficiltan galo.
6- Haddii aad jeceshay in aad kal gacalka dadka kasbato, magacyadooda xasuuso oo ha iloobin.
7- Waqtigaaga oo dhan ha ku qaadan talo iyo in aad waanooyin uun bixiso, ogowna oo taladu waqti ku habboon iyo qaab ku habboon oo loo dhigo ayaa ay leedahay, si ay miro dhal u noqoto.
8- Haddii aad doonayso in aad adigu dadka hoggaamiso oo aad u horreyso, tus in aad daba socoto oo aad diyaar u tahay ama ficil ku muujiso in aad daba socoto.
9- Noqo ruux go’aankiisa iyo taladiisa fulin ku laran, wixii aanu fulin karinna marka hore aadan dusha u ridan.
10- Qofka aad la hadlayso u muuji muhiimad in uu leeyahay, laakiin haddana ay tahay muhiimad is-weydaar ah oo la mid ah muhiimadda aad adiguna isaga agtiisa ku leedahay, si sinnaani u muuqato.
Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

No comments:

Post a Comment