Wednesday, March 14, 2018

15-KA SHARCI EE AAN QORANAYN OO AY TAHAY IN UU QOF WELIBA UU U HOGAANSIMO




 
 Sharciyada ku saabsan nolasha ayaa ah inta badan kuwo qoran oo la rabo in ay bulshada u hogaansin to si nolasha aadmiga ay u noqoto mid xasiloon. Hadaba sidoo kale waxaa jira sharciyo badan oo aan qornayn oo hadana la rabo in aan raacno, si aan wanaag ugala noolaano bulshada inteeda kale. Tira aan aad ayay u badan yihiin laakiinse halkaan waxaan ku soo xulay qaar inta badan aan samayno nolalmaalmeedkeena.
1: Afkaada dabool marka aad wax calaanjinayso.
2: Ha aflagaadaynin qofka cuntada ku adeegaya/ku keenaya,
3: Haku hadlin meel bulsha ah adiga oo isticmaalaya dhigaha teleefon-kada.
4: Weligaa alaabtaada ha dhigan kursi banaan bus-ka aad raacayso hadii uu yahay mid mashquulkiisa badan.
5: Ha isku dayin in aad istaajiso qof meel u dheg dhegsan.
6: Ka fogow in aad  halmar kaliya  ku adeegato lacago fara badan.
7: Ha ku hadlin telefoonkada marka aad dhex joogto dukaamada.
8: Aamus marka ay dadka kale ay hurdayaan.
9: Jooji qoraalka hadii aad hawl kale aad hayso ama wax ha qorin inta aad hawl kale hayso.
10: Warqadaha musqusha ku celi ama geli meeshaada hadii ay dhamaato marka aad isticmaalayso.
11: Ku tuur xanjada meelaha qashinka lagu rido ee haku tuurin wadada.
12: Albaabka ka qabo hadii aad qofkale uga soo horeysay dhanka qolka ama meesha uu albaabka ku yaalo.
13: Afkaada dabool wadaagtaan qolka ama jikada.marka aad qunfacayso.
14: Wax weliba ku celi meeshooda kadib marka aad isticmaasho.
15: Weligaa ha cunin cuntada saaxiibkaada.
W/Q: Mohamud Iidow

No comments:

Post a Comment