Thursday, March 15, 2018

Qalad iyo sax warbixin kooban oo anfacaysa waalidiinta iyo dadka intiisa kale.




Maxaa ah sax iyo maa qalad ah? Waxay ku xirantahay waqtiga iyo meelba meesha kale. Lkn inta badan dadka waxaa waxa ay haystaan dareen guud oo ku saabsan waxaa saxda ah iyo waa qaldan. Tani waa muhiim marka qofka uu ku dhex noolyahay bulsho ama uu la noolayahy sidoo kale waxy muhiim u tahay xishmida nolashaada.
Damiirka ama garashada waxaa dareenka uu qofka ku dareemayo waxaa saxda ah iyo waa qaldan. Hadaba maxaa abuura garashada? Ma cabsibaa ama baqdin baa lagu helaa? Ama garashada waaba lagu dhashaa, ama garashada waa wax aan ka helno bulshada kale ee nagu hareeraysan.hadaba dadka Fisiloojiyiinta ayaa aaminsan in garashada ay tahay sawir tusaale ah, kaasi oo aan ka soo dhaxalnay ama aan ka soo qaadanay waalidiinteena iyo dadka kale ee waa weyn xilliga aan soo koraynay ama aan soo barbaaraynay. Uga horeyntii caruurta waxaa saameyn ku yeelanaya waxaa qofka weyn sameynaya lkn samayn kuma yeelanayo sharciyada waalidiinta u sheegayaan. Dadka fisiloojiyiinta waxa ay ka digayaan in caruurta baqdin lagu barbaariyo. Caruurta ayaa u baahan nabad geliyo, jaceyl iyo in loo noqdo tusaale wanaagsan lkn uma baahan ciqaab iyo in aad ku tiraahdo waxyaabo naxriis daro ah. In uu ubadka ku barbaaro jaceyl, nabad geliyo, xishmid iyo naxriis uu ka helay waalidka iyo dadka ka waa wayn ee uu la noolyahay waxay siinaysaa jaanis uga fiican ee uu nolashiisa sida wanaagsan uga hormariyo iyo wanaajinta iyo xishmaynta bulshida inteeda kale. Mararka qaar waxaan aragnaa in dadka qaar damiirkooda uu ka soo horjeedo sharciga wadanka u yaala. Waxayna dareemayaan dadkaas in ay sameeyaan wax ka duwan waa saxda ah ee wadanka u yaala ama bulshida dhexdeeda.  Taasi waa ka dhalinkarta natiijo xumi qofka nolashiisa wax u dhimi karta. Hadaba waa in caruurtada si wanaagsan loo barbaariyo si mustaqbalkooda iyo kan bulshida ay wax ku taraan, ubadka waxa ay u baahanyihiin jaceyl iyo in loo noqdo tusaale wanaagsan.

W/Q: Mohamud Mohamed Ibrahim
Røros, Norway
E-mail: mmi143143@gmail.com

No comments:

Post a Comment