Saturday, March 17, 2018

Sidee loo qoraa codsi shaqo.




Qaabkee loo qoraa codsi shaqo? Maxaa sax ah oo laga rabaa in uu ka koobnaado codsiga shaqada? Halkaan waxaan idinku siinayaa sirta ah in aad si fudad u qorto codsi shaqo oo hagaagsan.
1: xageed ka soo heshay ama aad ka aragtay shaqada banaan?
Marka hore qor halka aad ka soo maqashay ama aad ka aragtay in ay banaantahay shaqadan aad codsatay.
2: Maxaa kuga dhiiri galiyay in aad soo codsato shaqadan?
Waa maxay sababta aad shaqadan aad u rabto? qof ku shaqaallaysiinayo wax uu doonaya in uu ogaado waxaa kuga dhiiri galliyay ama sababta aad u soo raadisay shaqadan. Sidaas darteed waa muhiim in aad sheegto waxyaabaha aad u doorbiday in aad shaqadan qabato si wacan oo ha haagsan u qor si uu uga duwanaado codsi iska caadi ah.
3: waa maxay waayo aragnimadaadda ee la xiriirta shaqadan oo aad leedahay?
Waa maxay sifooyinka shakhsiyadeed oo aad leedahay? Qaab noocee baad u isticmaali kartaa waayo aragnimaadaada hore marka aad qabanayso shaqadan? Dhamaan sifooyinkaada kuma qoreyso laakiin in oo ka mid ah ku qor. Maxaa waayo aragnimo ah oo aad soo baratay ama aad soo aragtay sidee se uga isticmaali kartaa shaqadan. Ogow waayo arignimo weliba oo dhanka shaqada ah waa muhiim waxay doontaba ha noqotee. Uga yaraan xitaa hadii aad soo ahayd kaabe fasal ama hogaamiye kooxeed ee kubada cagta ama kabtan.
4: Ahow qof u dhiiran shaqada ama hami sare shaqada ka leh.
In aad u dhiiran tahay shaqada waxaad ku qeexi kartaa eryo, sidoo kale qor in aad dooneyso in wareysi lugaga waco. Ku qor xilliga aad shaqada bilaabi karto, ilaa inta aad shaqeyn karto, xilliga iyo qaabka lagula soo xiriiri karo? Ku qor qaabka u sahlin ee ay kula soo xiriiri karaan shirkada aad ka codsinayso shaqada.




No comments:

Post a Comment