Saturday, March 10, 2018

Siyaad Bare’’ Siyaasadaha Reer Galbeedka ee ah la Joog Lugahana Jiid maahan wax la isku haleyn karo’’ warbixin uu diyaariyay wariyaha wayn ee Cabdullahi Nur Colombo.




 
Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare illaahey ha u naxariistee ayaa markii dawladii Soomaaliyeed ay xiriirka u jartey Dalkii Midowga Soofiyeeti ee Ruushka Bartamahii Sannadahii 70-meyadii ayaa waxaa dhacday in uu Socdaal ku tagey Dalka Mareykanka intii u dhaxaysay Bishii March 9-kedii Ilaa 14-kedii Sannadkii 1982-kii si Dawlada Soomaaliya ay heshiis wax wada qabsi ula yeelato Mareykanka.
Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Siyaad Bare dawlada Mareykanka si heer sare ah ayey u soo dhaweysay waxaana ay kulmeen Madaxweynahii Mareykanka ee waqtigaas hogaaminayey Ronald Reagan.
Labada hogaamiye oo wada hadalo dhinacyo badan taabanayey wada yeeshay ayaa markii uu kulankoodu soo dhamaadey Madaxweyne Siyaad Bare koox Weriyeyaal ah ay Su’aalo ay weeydiiyeen isagoo Washington ku sugan waxaana Su’aalaha la weeydiiyey ka mid ahaa maxaad adiga iyo Madaxweyne Ronald Reagan ku Heshiiseen? Allaha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare waxuu ku Jawaabey sidan:
Siyaasadaha Reer Galbeedka ee ah la Joog Lugahana Jiid maahan wax la isku haleyn karo sidooduna daacad kama ah in Soomaaliya ay wax kala qabtaan Mashaariicda wax soo saarka ee dalka lagu horumarinayo iyo sidoo kale dhismaha ciidamada gaar ahaan kuwa xooga dalka Soomaaliyeed in ay inaga caawiyaan oo sida dawladahu danaha ay kala yeeshaan isugu afgarano anaga iyo Mareykanka waxaana aanu dooneynay in ay inoo galaan booskii dalka Ruushka uu inoo joogay laakiin taasi iima muuqato.
Tusaale ahaan hadii Mareykanka ay kuu Balan qaadaan in ay ku siinayaan Qoriga M16 ee ay iyagu sameeyaan waxay kuusoo dirayaan marka hore Naqshadiisa marka xiga waqti ka dib misana waxey kuu soo dirayaan Qolafkiisa,marka kusii xiga Qasnadiisa,marka ugu danbeysna Tababarayaashiisa oo wata Su’aalo iyo Jawaabo is daba socda.
Hadaba arimahaas oo dhan markaan qiimeyney waxa ugu weyn ee ay dooneyso dawlada Mareykanka xoogana ay saareyso waxa weeyaan in aan Saldhig Milatari aanu ka siino Magaalada Ber Bera anaguna Ciidan aanan garaneyn waxey Dhulkayaga ka Difaacayaan ma garan karno waxa aan Saldhig u siino. Waxa keliya ee aan u ogolnahay waa in ay Xarun Isgaarsiin ah ka dhistaan dalkeena Hooyo.
Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Siyaad Bare waxuu kaloo Tusaale usoo qaatay xiriirka Reer Galbeedka iyo kan Ruushka Waxuuna yiri Dawlada Ruushka waxii aad maanta ku heshiisaan Todobaadyo ka dib waxey bilaabayaan Hawshooda ayna ugu horeyso Tababarka iyo Qalabka oo isla socda iyagoo Mudo Cayimana ku dhameynaya waxii ay Balan qaadeen Waxuuna Madaxweyne Siyaad hadalkiis kusoo qatimay anagu hadaan Soomaali nahay Dhaqankeena Reer Guuraaga ah ee ah inaan u Guurno hadba meeshii Roobka uu ka Da’ayo ee Manaafacaadka u leh Xoolaheena iyo Dadkeenu ayey Siyaasadeena ku Qotantaa ayna ku Abaaran tahay.
Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

No comments:

Post a Comment