Sunday, March 25, 2018

10-Website oo aad ka heli karto waxbarasho lacag la’aan ah.

Bilderesultat for education


Ma doonaysaa waxbarasho heer sare ah, casharo jaamacadeed? Ma xiisaynaysaa waxbarashada? Macquul ma tahay in aad qaadato waxbarasho tayo leh oo bilaash ah? Hadii jawaabtda ay tahay haa, hadaba qodubkaan waa mid adiga ku anfacaya.
Internet-ka ayaa noqday il ay bulshada waxyaabo badan ay iskuga gudbiso, dhaqdhaaqyo badan iyo su,aalo aad jawaabahooda aad waysayna aad ka helayso. Sidoo kale waxaad ka heli kartaa xalil badan had iyo jeerna waxyaabo faa’ido kuu leh ayaad ka akhrisan kartaa, laakiin nasiib daro website-yo badan ayaa hadana dhankale waxaa dhici karta in waxyeelo badan ay ku geystaan waa hadii aad u isticmaasho si qaldan, hadaba waqtigaada internet-ka si wanaagsan u isticmaal oo waxyaabaha wanaaga ah uga faa’ideyso.

Qarnigaan 21-kowaad ee dunidan hada aan joogno, si aad ayay dadka uga bateen adeegsiga aalida internet-ka, waxaad maalin waliba qof weliba oo naga mid ah uu booqdaa website-yo, blog-yo si uu u helo akhbaarad dheerad ah. Arday badan ayaa doorata in ay waxbarashadooda ku qaataan dhanka online-ka taasi oo qofka u saamaxaysa in uu waxbarto asiga oo gurigiisa jooga. Hadaba waxbarashada internet-ka ah oo ay bulshadeena ay aadka uga yartahay ayaa iskuga jirta mid lacag ah iyo mid bilaash ah ama lacag la’aan. Si ay uga faa’idaystaan dhalinyaro badan oo soomaaliyeed oo ku kala nool dunida inteeda kala duwan, waxaan halkaan hoose ee qodubkaan ku soo bandhigi doonaa 10-website ee aad ka heli karto waxbarasho heerar kala duwan leh. Webstie-yadan ma lahan waxbarasho hal heer laakiin waa kuwo aad heli karto waxbarasho maadooyin kale duwan iyo cilmiga qeybahiis kala duwan hadii ay ahaan lahayd tan luuqadaha, maadooyinka cilmiga, caafimaadka, xisaabaadka iyo tan tiknoolajiyada cusub iyo Computer-ka. Waxaa kaloo mudan in aan xuso in webstite-yada bixiya koorsooyinkan in qaarkood ay bixiyaan shahaadooyin, laakiin shahaadada ay lacag tahay marka aad qaadinayso. Sidoo kale waxaa si wayn website-yadan ay u anfacayaan dadka ardayda ah ee dhigta jaamacadaha iyo iskuulada laakiin doonaya aqoon korarsi dheeraad ah. Waxaa xusid mudan in ay jiraan website-yo badan oo aad ka helayso waxbarasho bilaash hayeshee 10-kan waa kuwo aan isleeyahay waa kuwa uga haboon.
Hadaba waa kuwan 10-ka website ee aad helaysid waxbarashada lacag la,aanta ah.
1: Khan Academy: waa website leh tayo aad u fiican leh muuqaalo iyo maqal dhanka waxbarashada ah gaar ahaan maadooyinka xisaabaadka, sayniska iyo injineerinka.
2: ALISON: waa website-leh waxbarasho, koorsooyinka luuqadaha iyo cilmiga intiisa kale sidoo kale waxa ay bixiyaan shaahadada diplom-da waa hadii aad dhamaysato koorsada aadna ku baasto imtixaanka uga dambeeya. Waxaa intaas dheer in uu leeyahay ama ay isticmaasho arday kor u dhaafaysa 7-million oo qof.

3: TED-ED: waxaad ka helaysaa casharo nolasha dadka guulaystay, waayo aragnimo iyo fikrado ay soo jeediyanayaa maclimiin, ganacasato, iyo muwduucyo kala duwan oo fara badan.

4: Islamic Online University: waa jaamacad islaami ah oo leh waxabaro diini iyo maadi 2-da aad ka helayso, sidoo kale jaamacada waxay ay leedahay qayb lacag ah laakiin waxaad ka heli kartaa kuwo bilaash ah.

5: OEDB: waa website leh waxbarasho furan oo mar weliba aad bilaabi karto xilligii aad joogtana halkaada ka wadan karto.

6: edX: waa macahad leh waxbarasho iyo koorsooyinka laga dhigo jaamacadaha gaar ahaan kuwa tiknoolajiyada.

7: Udemy: waa website leh koorsooyinka qaybaha kala duwan ee aqoonta.

8: Math and Science: waa website dhanka xisaabta iyo maadooyinka cilmiga kale.

9: Codeacademy: waa website dadka bara sida loo sameeyo website iyo bloog-yada iyo hagaajinta website-yada.

10: Coursera: waa website leh dhamaan koorsooyinka qaybaha kala duwan ee cilmiga, xitaa waxaad ka heli kartaa casharo jaamacadeed.

W/Q: Mohamud Mohamed Ibrahim Iidow

1 comment: