Friday, March 16, 2018

Cunsuriyada Waaa Cudur.




 
Marka aad maqasho erayga cunsurinimo durbaba waxaa laga yaabaa in aad maskaxdaada ku soo dhacdo, midab takoorid dhanka jinsayada ah ama mid midabka ah, sida dadka madowga iyo cadaanka ah. Sababta oo ahna waxaa jirtay dhacdooyin badan oo dunidan soo maray oo u sabab ah in qofka marka uu maqlo cunsuriyada ay uga soo dhacdo kala duwanaanshaha midabka dadka, sida dadkii madowga Mareykanka oo wixii ka horeeyay 1960 si aad ah loo midab takoori jiray iyaga oo aan loo ogalayn meelaha waxbarashada iyo arimaha siyaasada , sidoo kale gumeysigii qaarada afrika gaar ahaan galbeedka afrika iyo wadanka koonfur afrika oo iyagana gumeystahii kala kulmay xadgud baahsan iyo liidataan dhanka midabka ah. Hadaba iyaga oo ay jiraan dhamaan tusaalooyinkaas oo dhacay ayaa hadana weli ay jiraan raadad baahsan oo ay reebeen oo la xariira aragtadii ahayd in dadka qaar ay ka liitaan dadka kale. Waxaan aragnaa in dadyowga madowga ah ay dhibaatooyin kala kulmaan marka ay ku dhexnoolyahiin bulsho cadaan ah. Mareykanka oo la sheego in uu yahay wadanka uga horeeya dimuqaraadiyada ayna ku noolyahiin dadyow madow ah oo aad u tira badan ayay hadana wax ay kala kulmaan dhibaatooyin fara badan oo midab kala soocid ah. LeBron James oo ah ciyaaryahanka uga caasan dhanka kubada caganta aduunka, kana ciyaara mareykanka ayaa sheegay in ay weli adigtahay adiga oo madow ah in aad ku noolaato wadanka mareykanka si weliba xitaa hadii aad caan u tahay. Hadaba ma dareemi karo kala soocida dhanka midabka ah qofka aan ku noolayn meel aan looga tira badnayn. Hadaba cunsuriyanimada ma midab takooridbaa? Aniga ahaan, Erayga cunsurinimo waxaan ku qeexi lahaa Nacayb bilaa sabab ah. Waxaa jirta siyaabo badan oo loo qeexay oo aan isku mid ahayn laakiin u wada jeeda hal dhic, tusaale isla weyni ama qof moodo in uu wax ku dheeryahay qofkaas oo u sababsanayo waxyaabo horey u dhacay ama caado xilli hore jiri jirtay. Nacayb laga yaabo dadka qaar in ay ku qaadaan sabab la,aan. Hadaba marka aan soo koobno cunsuriyada ayaa ah Nacayb, isla weyni, qof moodo in uu adiga kaa sareeyo iwm. Taasi waxa ay na tusinaysaa in kaliya ayayna ahayn cunsurinimada midab ee ay tahay wax guud oo ka dhex jira bulsha weliba oo meel ku nool. Waxaa ay u muuqataa in cunsuriyada aan dhamaanayay inta ay jirto dunidaan waayo dadka intiisa badan wax uu jacelyahay in dadka wax dheeraado ama xitaa uu sheegto asiga oo aan dheerayn. Sidoo kale cunsurinimada ayaa ah wax la isku beero hadii ay ahaan lahayd waalidka in uu ku beero caruurtiisa ama dadka dhexdooda ay isku beeraan.
Soomaalida cunsurinimada xagay kaga jiraan aduunka.
Dadkeena cunsurinimada marka ay maqlaan waxaa ku soo dhacda waxyaabo kale sida aan qoraalka hore uga soo sheegay laakiin waxaad moodaa in aan soomaali ahaan qayb ka nahay cunsurinimada dadka ay ku dhex badan tahay gaar ahaan tan nacaybka bilaa sababta ah iyo iska sareysiinta dadka kale. Maadama aan nahay umad muslim ah diinteenuna aan ogolayn waxyaabaha noocaas ah ayaa loo baahanyahay in lala dagaalimo, qof welibana ay tahay in uu ka bilaabo qoyskiisa iyo caruurtiisa taasi oo ah sida kaliya ee lagu af jeri karo ama uga yaraan lagu yareyn karo cunsuriyada.
W/Q: Mohamud Mohamed Ibrahim

No comments:

Post a Comment