Friday, July 27, 2018

Akhri Buugga Dhul iyo Dhaqan.




Image result for hidaha dhaqan somali

Wuxuu ka koobanyahay sheekooyin ku saabsan dhaqanka soomaaliyeed, aqoonta noocyada xoolaha la dhaqdo ee kala duwan, iyo xayawaanka duur joogta ah iyo suugaan. Sida gabayo, heeso iyo cuntubyo murti, maah-maahyo iyo sarbeeb isuga jira.
Waxaa kaloo ku jira sawiro lagu muujinayo xaywaanada iyo waxyaabaha dhaqanka laga isticmaalo miyiga soomaaliyeed.
Hadaba buuggaan dadke ayuu anfacaya.
1: Dadka yar yar ee soo koraya una baahan barashada afka iyo dhaqanka dalkooda hooyo .
2: dadka da’ada dhexe ee aan ku dhalan ama aan ku soo korin dalkii hooyo, afsoomaaliga iyo dhaqankii wadankana uu gaabsi uu ku yahay.
3: Dadka waa-weyn ee ku raagay qurbaha una baahan xasuusta iyo dib u curinta dhaqanka iyo suugaanta soomaaliyeed.

Buuggaani waxa uu agab weyn u yahay ama caawiye uu u yahay qofkasta oo xiisaynaya Afka, dhaqqanka, xoolaha, murtida iyo suugaanta soomaaliyeed yar iyo weynba.

Monday, July 16, 2018

Waxa ay ahayd in aan qaybtayda qaato, ka hor inta uusan dhiman dameerka.






Nin beeralay ah ayaa wax uu lahaa dameer iyo faras. Maalin maalimaha ka mid ah ayaa wax uu ka soo adeegtay suuqa alaab aad u fara badan isla markaasna waxaa uu watay dameerkii iyo farastii oo uu xoolaha ka lahaa. Ninkii beeralayda ahaa ayaa alaabtii uu suuqa ka soo gatay oo dhami wax uu saaray ama uu ku raray dameerkii, halka uu farastiina uusan saarin wax alaab ah. Xoogaha ama waqti yar kadib dameerkii ayaa bilaabay in uu daalo, waayo waxaa lagu raray, rar aad u tan weyn. Sidaa darteedna waxa uu codsiday in ay farastu wax uun ay ka qaado oo ay caawiso. Laakiin waa ay wacnayd in ay yeesho sidaa uu codsiday dameerka hayeshe waa ay diiday, oo waxa ay tiri maya. Dameerkii waxa uu siiwatay daalkiisa iyo alaabtii ku rarnayd, laakiin nasiib daro uga dambayntii waa uu xamili kari waayay, oo dameerkii dhulka ayuu ku dhacay oo waxa uuna ku dhintay ama uu ku naf baxay bartamaha wadada. Ninkii beeralayda ahaa oo aad u xanaaqsan ayaa wax uu bilaabay in uu gabi ahaanba alaabtii uu ku raro farastii. Farastaas oo markii hore diiday in ay qayb uun kaliya ay ka qaado dameerka, laakiinse hada ma diidi karto oo waa ay ku qasbantahay. Sidaas darteedana farasta wax ay ku noqotay xaywaan la rarto. Farastii ayaa uga dambayn tiri: waxa ay ahayd in aan qaybtayda qaato, ka hor inta uusan dhiman dameerkii. Hadaba Waa Maxay Xikmaddda Sheekada?

Saturday, July 14, 2018

Akhri Buugga Waad Kuftaye Ka Bood. Buug Ka Hadlaya Dhacdooyinkii Waaweynaa ee Ka Dhacay Soomaaliya 1869-1991.


 
 
Waad Kuftaye Ka Bood waa buug ku saabsan xaalladaha dalka Soomaaliya ka jirtay shalay, tan maanta iyo sida ay u muuqato mustaqalka Soomaaliya. Buuggan waxaa qoray qoraa Axmed Xirsi Cali.
Qoraaga buuga waxa uu diirada ku saarayaa taariikhda faca weyn ee Soomaalida ay lahaan jirtay ka hor inta uusan gumeystayaashii soo galin qaarida Afrka.
Sidoo kale waxa uu buuga ka hadlayaa noloshada soomaalidii hore, wixii ka horeeyay qarnigii 19-aad. Qarniyadaas oo aan jirin maamul dowladeed oo soomaalida ay laheyd hadana waxaa dalka maamuli jiray Salaadiin, Guurtii, Isimmo, kuwaas oo ahaa maamulka beelaha. Beel kasta waxa ay lahayd suldaan iyo waxgarad maamula. Suldaan kastana waxa uu u madax banaanaa maamulkiisa. Waxaa talada maamulka gacanta ku haayay waxgaradka iyo odayaasha. Waxa ay beeshu lahayd xeerar iyo dhaqamo ay ku xaliso gafafka iyo dhibaatooyinka bulshida ka dhexdhaca. Culumma’u diinku waxa ay kala saari jireen beelaha marka ay dhacdo dhibaatoyin iyaga oo adeegsanaya axkaamta iyo quraanka.
Xilligaa wadanka kama jirin barnaamijy dhaqaale, arrimo bulsho iyo siyaasaded oo lagu horumariyo wadanka. Maamuladii salaadiinta waxa ay ka koobnaayeen nabadgelyada guud ee beelaha.
Dadka badankoodana waxa ay ahaayeen xoolo dhaqato, kuwaas oo ku tiirsanaa waxyaabaha ay ka heelaan xoolaha. Waxaa kalo jiray beeraley iyo kaluumaysato aan badneyn. Nolasha dadka waxa ay ahayd mid xasiloon sababta oo ah waxa ay heli jireen nolol maalmeedkooda. Cimilada wadankana waxa ay ahayd mid wanaagsan, waxaana inta badan u da’i jiray roobabka xilli roobyada.
Soomaalida waxa ay ahayd xoolo dhaqato ku nool mayiga, dadka ku nool magaalooyinka iyo tulooyinkana aadbay u yaraayeen. Waxaana la sheegaa in dadkii Soomaalida ee noolaa wixii ka horeeyay qarnigii 19-aad ay xiriir wanaagsan ay la lahaayeen Gariiga iyo Faraacinnadii iyaga oo u dhoofin jiray beeyada oo Soomaalida caanka ku ahayd. Laakiin xiriirkaas waxaa la sheegaa in uu ku yimid hoos u dhac kadib xadaaradii Soomaalida oo hoos u dhac ku yimid.
Sidoo Kale Buuga waxa Uu Ka Hadlayaa  Soo Galitaankii Gumeystayaashii Reer Yurub ee Qaarida Afrika.
Hadaba wixii xilligaa ka dambeeyay wadanka waxaa soo galay gumeystiyaashii reer yurub. Gumeystiyaasha marka hore waxa ay qaarada Afrika ku soo galeen qaab sahmin ganacsi iyo diimeed. Marka uu Soomaliya soo galay gumeystihii, dadka waxa ay galeen dagaal kharaar, kaas oo socday mudo 35 sano ah. Dagaalkaas marka uu dhamaaday waxaa ku xigay dagaal yar oo gobonimo doon ahaa. Uga dambayn soomaalida waxa ay ku goolaystay in xorriyadii wadanka ay dib u soo celiyaan.
Gumeystayaasha waxa ay abuureen dhibaatooyin fara badan.
Qoraa sidoo kale wax uu ku qiixayaa dhibaatooyinkii ka dhashay gumeystihii ama uu reebay oo ay ka mid tahay qabiilka oo Talyaaniga iyo Ingiriiska ayaa ka mid ahaa waxyaabaha Soomaalida qabiilka ku beeray. Taas oo aan ahayn dhaqan kii hore ee Soomaalida, waayo Soomaalidii hore qabiilka iskuma dhibaatayn jirin.
Asiga oo intaasi sii raaciyay in dowladahii wadanka soo maray aan qabiilka ka baabi’nin bulshada laakiin kaliya si dadban ay uga dhaqmi jireen haba uga badnaatee tii kacaankii.
Sidoo kale buugga waxa u uka hadlayaa dhaqan lumida ay soomaalida maanta ay ku sugan tahay iyo waxa ay u muuqato mustaqbalka hadii aysan iska gaarin.
Wixii la soo maray marka laga soo tago, maanta Soomaalida waxa ay u baahantahay in ay garabka isqabsato si looga gudbo marxaladda dhibta badan.
Uga dambayn Aniga oo ah Akhriste buuggaan, halkaan kuma soo koobi karo dhamaan wixii buugga ka hadlayay, laakiin, waxaan qof weliba oo jacel akhrinta buuggaagta aan kula talin lahaa in uu akhriyo si uu wax badan uga ogaado taariikhada iyo dhacdoyinkii soo maray wadanka Soomaaliya.
W/D: Mohamud Mohamed Ibrahim.