Saturday, July 14, 2018

Akhri Buugga Waad Kuftaye Ka Bood. Buug Ka Hadlaya Dhacdooyinkii Waaweynaa ee Ka Dhacay Soomaaliya 1869-1991.


 
 
Waad Kuftaye Ka Bood waa buug ku saabsan xaalladaha dalka Soomaaliya ka jirtay shalay, tan maanta iyo sida ay u muuqato mustaqalka Soomaaliya. Buuggan waxaa qoray qoraa Axmed Xirsi Cali.
Qoraaga buuga waxa uu diirada ku saarayaa taariikhda faca weyn ee Soomaalida ay lahaan jirtay ka hor inta uusan gumeystayaashii soo galin qaarida Afrka.
Sidoo kale waxa uu buuga ka hadlayaa noloshada soomaalidii hore, wixii ka horeeyay qarnigii 19-aad. Qarniyadaas oo aan jirin maamul dowladeed oo soomaalida ay laheyd hadana waxaa dalka maamuli jiray Salaadiin, Guurtii, Isimmo, kuwaas oo ahaa maamulka beelaha. Beel kasta waxa ay lahayd suldaan iyo waxgarad maamula. Suldaan kastana waxa uu u madax banaanaa maamulkiisa. Waxaa talada maamulka gacanta ku haayay waxgaradka iyo odayaasha. Waxa ay beeshu lahayd xeerar iyo dhaqamo ay ku xaliso gafafka iyo dhibaatooyinka bulshida ka dhexdhaca. Culumma’u diinku waxa ay kala saari jireen beelaha marka ay dhacdo dhibaatoyin iyaga oo adeegsanaya axkaamta iyo quraanka.
Xilligaa wadanka kama jirin barnaamijy dhaqaale, arrimo bulsho iyo siyaasaded oo lagu horumariyo wadanka. Maamuladii salaadiinta waxa ay ka koobnaayeen nabadgelyada guud ee beelaha.
Dadka badankoodana waxa ay ahaayeen xoolo dhaqato, kuwaas oo ku tiirsanaa waxyaabaha ay ka heelaan xoolaha. Waxaa kalo jiray beeraley iyo kaluumaysato aan badneyn. Nolasha dadka waxa ay ahayd mid xasiloon sababta oo ah waxa ay heli jireen nolol maalmeedkooda. Cimilada wadankana waxa ay ahayd mid wanaagsan, waxaana inta badan u da’i jiray roobabka xilli roobyada.
Soomaalida waxa ay ahayd xoolo dhaqato ku nool mayiga, dadka ku nool magaalooyinka iyo tulooyinkana aadbay u yaraayeen. Waxaana la sheegaa in dadkii Soomaalida ee noolaa wixii ka horeeyay qarnigii 19-aad ay xiriir wanaagsan ay la lahaayeen Gariiga iyo Faraacinnadii iyaga oo u dhoofin jiray beeyada oo Soomaalida caanka ku ahayd. Laakiin xiriirkaas waxaa la sheegaa in uu ku yimid hoos u dhac kadib xadaaradii Soomaalida oo hoos u dhac ku yimid.
Sidoo Kale Buuga waxa Uu Ka Hadlayaa  Soo Galitaankii Gumeystayaashii Reer Yurub ee Qaarida Afrika.
Hadaba wixii xilligaa ka dambeeyay wadanka waxaa soo galay gumeystiyaashii reer yurub. Gumeystiyaasha marka hore waxa ay qaarada Afrika ku soo galeen qaab sahmin ganacsi iyo diimeed. Marka uu Soomaliya soo galay gumeystihii, dadka waxa ay galeen dagaal kharaar, kaas oo socday mudo 35 sano ah. Dagaalkaas marka uu dhamaaday waxaa ku xigay dagaal yar oo gobonimo doon ahaa. Uga dambayn soomaalida waxa ay ku goolaystay in xorriyadii wadanka ay dib u soo celiyaan.
Gumeystayaasha waxa ay abuureen dhibaatooyin fara badan.
Qoraa sidoo kale wax uu ku qiixayaa dhibaatooyinkii ka dhashay gumeystihii ama uu reebay oo ay ka mid tahay qabiilka oo Talyaaniga iyo Ingiriiska ayaa ka mid ahaa waxyaabaha Soomaalida qabiilka ku beeray. Taas oo aan ahayn dhaqan kii hore ee Soomaalida, waayo Soomaalidii hore qabiilka iskuma dhibaatayn jirin.
Asiga oo intaasi sii raaciyay in dowladahii wadanka soo maray aan qabiilka ka baabi’nin bulshada laakiin kaliya si dadban ay uga dhaqmi jireen haba uga badnaatee tii kacaankii.
Sidoo kale buugga waxa u uka hadlayaa dhaqan lumida ay soomaalida maanta ay ku sugan tahay iyo waxa ay u muuqato mustaqbalka hadii aysan iska gaarin.
Wixii la soo maray marka laga soo tago, maanta Soomaalida waxa ay u baahantahay in ay garabka isqabsato si looga gudbo marxaladda dhibta badan.
Uga dambayn Aniga oo ah Akhriste buuggaan, halkaan kuma soo koobi karo dhamaan wixii buugga ka hadlayay, laakiin, waxaan qof weliba oo jacel akhrinta buuggaagta aan kula talin lahaa in uu akhriyo si uu wax badan uga ogaado taariikhada iyo dhacdoyinkii soo maray wadanka Soomaaliya.
W/D: Mohamud Mohamed Ibrahim.

No comments:

Post a Comment